Muqdisho Axad Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Md Omar Faruk ayaa ka qeyb galay Dood Cilmiyeed lagu gorfeynayay Doorka Dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan La dagaalanka Khawaarijta iyo Cirib Tirka Fikirka Xagjirka ah.
Kulanka ayaa waxaa iska kaashaday qabsoomidiisa Xarunta Qaran ee Tubsan iyo The Higher Institute for Security Studies, waxaana lagu qabtay Xarunta Macadka.
Gudoomiyaha ayaa waxaa kulankaan ku wehliyay tiro Dhalinyaro ah oo ka socdeen Xarunta Dhalinyarada Gobolka Benaadir.
Waxaana ka soo qeyb galeen Culimo, Aqoonyahano iyo Masuuliyiin Dowladeed oo hore iyo kuwo hada isugu jiraan.
Ugu dambeen waxaa si habssmi leh u soo gaba gaboobay Dood Cilmiyeedkii ku saabsanaa La dagaalanka Khawaarijta iyo Fikirka Xagjirka ah ee hubeysan.



Wabillahi Towfiiq
Xafiiska Warfaafinta iyo
Xiriirka Warbaahinta
Dhalinyarada G/Banaadir
== 𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃 ==