Muqdisho 21-Maarso-2025: Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobalka Banaadir Md. Cumar Cabdiraxmaan Macow Omar Faruk ayaa Gudigii Qaban Qaabada iyo Shirkadihii qeybta ka ahaa Munaasabadii Afur Wadareedka ay Dhalinyarada Gobolka Banaadir ku bogaadiyay kaalintii hagar la’aaneed ee ay ka qaateen intii lagu guda jiray diyaarinta Munaasabada, waxaana la gudoonsiiyay Shahaado sharafyo ay ku muteesteen doorkooda howlkarnimo ee lama iloobaanka ahaa, Shirkada Qaban Qaabo Event Management iyo Maqaayada Sanca Restaurant oo naqshadeenta goobta iyo adeega cuntada haqabtireen.
Sidookale Gudoomiyaha ayaa uga mahad celiyay Masuuliyiinta kala soo qeeb galeen Munaasabada ee kala ahaa:-
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Badroolka Md. Xildhibaan Cabdiwahaab Caana Nuug, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Md. Xildhibaan Maama Aamina Maxamad Xuseen, Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arimaha Caafimaadka Nafaqada iyo Daryeelka Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamad Shiikh Cabdiraxmaan Moobleen, Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Benaadir Md.Mudane Maxamad Axmad Diiriye Mohamed Yabooh, Afayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Arimaha Bulshada Maamulka Gobalka Banaadir, Agaasimaha Laanta Cabdicasiis ee Immigration-ka, Gudoomiye Ku Xigeenada Degmada Hodan iyo Shangaani ee Amniga iyo Arimaha Bulshada, Agaasimaha Dalxiiska Degmada Balcad, Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Dhalinyarada Qaranka, Xoghayaha Dhalinyarada Gobalka Banaadir, Gudoomiyaha Madashada Dhallinyarada Gobsoor, Saraakiisha Hey’adaha Amniga, Xubnaha Social Media saameynta ku leh, Gudoomiyeyaasha Dhalinyarada Degmooyinka Gobalka Banaadir ku Xigeenadooda iyo Xoghayeyaashooda, Xubnaha ka howlgalo Xarunta Dhalinyarada Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dhamaan La casuumayaasha Dhallinyarada Haldoorka ah ee madasha qeybta ka ahaa.
Afur wadareedkaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee lagu qabto Xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir, waxa uuna noqon doonaa sida uu qorsheeyay Gudoomiyaha mid sanadle ah oo Ramadaan waliba lagu qaban doono Xarunta Inshallah.








Wabillahi Towfiiq
Xafiiska Warfaafinta iyo
Xiriirka Warbaahinta
Dhalinyarada G/Banaadir
== 𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃 ==